Dembi Baaris

 Taariikhda inta ay jirtay adduunyadu waa jiray dembi, waana jiri doonaa inta adduunkaan la joogo, dembi baaristu macnaheeda ma aha ciribtirka dembiga ee waxaa weeye xaqiijinta dembiga dhacay nooca uu yahay, aqoonsiga cidda geysatay, aqoonsiga iyo cabbiridda dhibaatada uu geystay dembi falaha inta ay la eg tahay.

 Marsiinta hab raaca sharcigu jideeyey iyo waafajinta nidaamka caddaaladda Dalka, iyadoo looga jeedo xaqiijinta dhowr arrimood:-

1- Xaqiijinta in ciqaabta uu muteystay la marsiiyo dembi falaha.

2- U helidda mag dhowga xaqiisa khasaarihii ka soo gaaray dhibbanaha dembigii dhacay.

3- Hakinta ama ka joojinta dembi falaha inuu mar kale gelo dembi kale laguna haayo xabsiga si looga qariyo indhaha bulshada.

Haddaba shaqadaas baaxadda leh yaa qabanayo?

Shaqadaan baaxadda leh waxay u dhaxeysaa:-

B- Boliiska oo ah hey'adda ay ka billaabato baarista dembiyada kana jawaabo sida ugu dhaqsaha badan markii la soo wariyo goob uu dembi ka dhacay dhamaan gayiga qaranka soomaaliyeed.

T- Xafiiska xeerilaaliyaha guud ee Qaranka oo uu waajibaadkiisu yahay kormeeridda howlaha shaqo ee dembi baarista, hubinta macluumaadka ay soo gudbinyaan dembi baarista Boliiska, eedeyenta eedeysanayaasha ama dembi falayaasha iyo waafajinta sharcigii loo gafay maxkamadda awoodda u leh horteeda.

J- Maxkamadaha, waa hey'adda garsoor ee awoodda u leh soo saarista xukunnada iyo go'aan ka gaarista dhamaan dacwadaha la xiriira ciqaabta iyo kuwa madaniga ahba.

X- Asluubta oo ah hey'adda heyneysa eedeysanaha laga soo billaabo marxaladda garsugenimada ilaa inta uu ka dhameysanaayo xukunkiisa haddii lagu helo dembiga, una sameyneyso dhaqan celin iyo xirfad uu ku shaqeysan karo markii ay u dhamaato muddadii xukunka.

in shaa Allaah waxaan si faahfaahsan ugu soo gudbin doonnaa dhamaan macluumaadkaan oo hadda aan u guud maray si kooban.

Su'aasha taagan waxay tahay:-

1- Waa maxay Dembi?

2- waa maxay baaris?

3- waa kumaa Dembi baare?

4- waa maxay ujeeddada laga leeyahay dembi baaristu?

5- afarta hey'adood ee aan soo sheegnay mid kasta goor muu billaabanyaa doorkeeda?

intaan iyo in saii badan waxaad kaga bogan doontaan halkaan, wixii su'aalo ee aad qabtaan waxaad nagu soo weydiin doontaan Commentiga ama halka ay ku qoran tahay (HALKAAN HOOSE KU SOO QOR SU'AALAHAADA) adigoo buuxin doono forka halkaas yaal.



Post a Comment

0 Comments