Waa maxay Dembi? What is investigation?

 Intii nala socotay iyo inta dib ka aqrin doonto faalladeenna waxaan ka soo hadalnay hordhaca dembi baarista, annagoo ku soo qaadannay dhowr su'aalood oo ay ka mid aheyd "Waa maxay dembi".

Maanta waxaan halkaan ugu jawaabi doonnaa su'aashaan waxayna noqoneysaa sidan:-

Waa maxay dembi?

Dembi waa fal ama fal la’aan wax u dhimaya Nafta, Diinta, Sharafta, Caqliga iyo maalka aadamaha, sida ku cad Maqaasidda Shareecada Islaamka iyo qawaaniinta kale ee dalka, sidoo kale waxaan ku micneyn karnaa Dembi waa fal ama fal la’aan kasta ee sharcigu mamnuucay in la sameeyo ama faray sameyntooda ciqaabna ka dejiyey sameyntiisa ama ka tagistiisa.

Sidoo kale Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu kitaabkiisa quraanka ah ku sheegay Suuratul-Xashri Aayadda 7aad in la qaato wixii uu Rasuulka SCW noo keenay ama na faray in aan sameyno wixii uu naga reebayna aan ka harno, taasoo ah waajib ay tahay in sideeda loo fuliyo wixii laga awoodo, haddii la weydaarto awaamiirtaan waxaa ka dhalanayo ciqaab.

Maanta waxaa intaas inagaga eg mowduuceennii waa amxay dembi, maalmaha na soo aaddan waxaan soo gudbin doonnaa sharraxaadda su'aashii aheyd waa maxay baaris?.



Post a Comment

1 Comments

Anonymous said…
Asc walaal waa wax loo baahan yahay in lagu baraarugo lana adkeeyo