What is the difference between confession and acceptance? Waa maxay farqiga u dhaxeeya qiraal iyo ogolaansho?

 


Maanta waxaa halkeedii inooga sii socon maqaalladii aan ka qori jirnay arrimaha dembi baarista, maantana waxaan ka hadli doonnaa farqiga u dhaxeeya Qiraalka iyo ogolaanshaha.

Mowduucyada aan maanta ka hadli doonno waxaa ka mid ah:-

Waa maxay farqiga u dhaxeeya qiraal iyo ogolaansho?.

Qeexidda Ogolaansho

Qeexidda Qiraalka.

Waxyaabaha ay tahay in qiraalku ka koobnaado.

Habka qiraalka

Qiraalka ku yimaada cabsi galin, culays ama ballan qaad.

Yay saaran tahay hubinta in qiraalku aanu ku iman cabsi galin, culeys ama ballan qaad?.

Saameynta ay leedahaya qirashada mid ka mid ah eedaysanayaasha.

Gebogabo

Si aan u ogaanno farqiga u dhaxeeya qiraal iyo ogolaansho waxaa qasab ah inaan qeexno ogolaansho:

Qeexidda Ogolaansho

Ogolaashuhu waa hadal afka ah oo uu bixiyo eedeysanaha kaasoo lagala soo bixi karo dembi lid ku ah qofka bixiyay oo la xiriira fal leysku hayo ama fal la xariira dhacdo dooddeedu maxkamadda hortaal.

Qeexidda Qiraalka.

Qiraalku waa hadal af ah ama qoraal ah oo uu bixiyo eedaysanuhu, isla markaana ku caddaynaayo inuu galay dembiga si aan mugdi ku jirin in qofka bixiyay hadalkaas uu dembigaas galay.

Sida aan ka dheehan karno labada qeexid ee uu sameeyay xeerka habka ciqaata ee la xariira qiraalka iyo ogolaashiyaha, qiraalku waa qofka oo suga inuu geystay falka lagu soo eedeeyay.

Ogolaashiyuhuse waa inuu sheego dhacdooyin laga dheehan karo falka oo ina tusinaya sugidda jiritaanka falkaas sida ku cad Qodobka 149aad XHCS 2 Qodobka 147aad XHCS.

Ogolaanshiyuhu wuu ka guda ballaaran yahay qiraalka, waayo hadal kasta oo uu bixiyo eedeysanuhu oo laga dheehan karo jiritaanka falka lagu soo eedeeyay ayaa ogolaashiyo la dhihi karaa.

Sidaasi darteed qiraal kasta waa ogolaasho iyo qirasho wada socda, balse ogolaashiye kastaa qiraal ma aha.

Haddii hadalka laga qoray eedeysanaha ay kaligeed ku filan tahay in eedeysunuhu galay falka waa qiraal.

Haddiise loo baahdo in lagu kabo caddaymo kale waa ogolaashiyo.

Haddii aan tusaale ka bixinno qiraalka

Cabdi ayaa lagu eedeeyay in uu dil u gaystay Cali isaga oo adeegsanaya mindi, Cabdi waxa uu sheegay in uu dilay Cali kuna dilay mindi ama toorrey sababtuna ay aheyd cay uu cayey hooyadiis darted, waxa uu Cabdi sameeyay waa qiraal sababtoo ah waxa ayna ogaysiisay in Cabdi galay falka dilka ah, waayo Cabdi si toos ah ayuu u qirtay in uu galay falka.

Haddii aan tusaale ka bixinno ogolaanshiyaha.

Cabdi ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Cali isaga oo adeegsanaya qori, waxa uuna sheegay in uu xabad ka riday qorigiisa, halkii uu u ridayna laga soo qaaday meydka Cali oo xabbad ku taal, calina wuxuu yiri aniga ma hubo in aan ninkaan aaniga dilay, maadaama aanay jirin cid kale oo aaggaas xabbad ka ridday marxuumkana ay xabbad ku taal waxaan bixinayaa magtiisa ama diyadiisa.

Hadalkaas waa ogolaashiyo waafaqsan qodobka 147 XHC, ogolaanshuhu waa caddeyn qiimo leh loona adeegsan karo cadayn lid ku ah Cabdi, balse caddayn lid ku ah kuma noqon karto haddii ay dan ugu jirto Cabdi ogolaanshahaas.

Tusaale kale:

Cabdi ayaa lagu eedeeyay in uu lacag ka xaday Cali, Cabdi waxa uu sheegay in uu bixinayo lacagta laakin masheegin in uu isagu galay falka oo uu lacagta xaday, tanina waxay noo muujineysaa inuu ogolaaday kiiska.

Waxyaabaha ay tahay in qiraalku ka koobnaado.

Qeexidda sharcigu uu u sameeyay qiraalka ee ku xusan qodobka 149 XHC, waxa ay qasab ka dhigaysaa:

1) In qiraalku koobsado dhamaan dhacdada dooddu ka taagan tahay iyo tiirarka dembiga ee ku xusan qodobka eedda.

2) In eedaysanuhu u qirto falka lagu eedeeyay si cad oo shaki ku jirin inuu falka u geeystay dhibbanaha.

3) In la qoro erayadii uu eedaysanuhu adeegsaday ee aan la warin si looga dheehdo ulajeedka eedaysanuhu ka lahaa qiraalka.

4) In qiraalka loo qoray hab raaca sharcigu u dajiyay ee ku xusan qodobka 68 XHC

Tusaale Kale.

Cabdi waxaa lagu soo eedeeyay inuu fal dil ah u gaystay Cali, Cabdi wuxuu ka hor sheegay Maxkamadda in uu riixay Cali dhulkana uu ku dhacay, hadalkaasi ma aha qiraal dhammaystiran oo koobsaday dhammaan tiirarka dambiga lagu soo eedeeyay Cabdi, balse haddii Cabdi uu yiraahdo “waxaan doonayey in aan Cali dilo, sidaasi darteed waan riixay markii uu dhacayna waxaan madaxa kaga dhuftay dhagax wayn oo sababay in uu u geeriyoodo” waa qiraal dhammaystiran hadalkaan dambe oo aanu jirin wax shaki ah oo ku jira.

Habka qiraalka

Xilli kasta garsooruhu waa qaadi karaa qiraalka.

In garsooruhu hubiyo isaga oo waydiinaya qofka la wareysanayo inuu u bixinayo qiraalka si iskiis ah iyo in kale.

In garsooruhu isaga qoro war-qiraalka.

In uu aqristo qofka bixinaya caddeynta qiraalka ah ama loo aqriyo.

In ay saxiixaan qofka laga qoray iyo garsooraha qoray intaba.

In uu caddeeyo garsooruhu saxiixa ka hor in la dhawray habraaca ku xusan 68 XHC.

Haddii aan la dhawrin habraaca ku xusan qod. 68 ee XHCS waxaay keenaysaa in qiraalku faasid noqdo.

Qiraalka ku yimaada cabsi galin, culays ama ballan qaad.

Maxkamadda waxaa waajib ku ah inay kasoo qaaddo qiraalka waxba kama jiraan, haddii ay jirto sabab keeneysa in qiraalka ku yimid:

A. Cabsi galinta qiraal bixiyaha.

B. Culays la saaro qiraal bixiyaha.

C. Ballan qaad loo sameeyo qiraal bixiyaha.

D. In lagu dhiirri geliyo bixinta qiraalka.

Yay saaran tahay hubinta in qiraalku aanu ku iman cabsi galin, culeys ama ballan qaad?.

Culeyska hubinta in qiraalku uu ku yimid si xor ah oo aanu ku iman cabsi galin, culeys ama ballan qaad waxaa ay saran tahay Xafiiska Xeer-ilaalinta.

Saameynta ay leedahaya qirashada mid ka mid ah eedaysanayaasha.

Haddii eedaysaneyaal badani ay ku wada eedaysan yihiin in ay si wada jir ah u galeen dembi keenay in hal mar la maxkamadeeyo, caddeymaha lahayaana ay yihiin qiraalka mid ka mid ah eedaysanyaasha ama qiraalku tusaalaynayo in eedaysane kale qayb ka yihiin falka, Maxkamadda waxaa u bannaan inay u qaadato qariina ahaan, (Marag muujin).

Qiraalka uu sameeyo eedeysane ee saameynta ku yeelanaya eedaysanayaashii kale waxa shardi u ah:

1. In eedeysanayaasha loo wada heysto hal dacwad.

2. In laga dheehan karo qiraalka uu sameeyo mid ka mid ah eedaysanayaasha si la mid ah eedaysanayaasha kale.

3. In qiraalka la sameeyay uu sharciga waafaqsan yahay lana xaqiijiyay.

Gebogabo

Waxaan halkaas ku joojineynaa maqaalkeennii maanta oo aan uga hadleynay faahfaahinta farqiga u dhaxeeya qiraal iyo oggolaansho, aqristaha sharafta lahow wixii talo ama tusaale ah ama su’aal ah ee aad noo heyso waxaad noogu soo hagaajin kartaa Commentiga ama formka hoose, waanu kaaga soo jawaabi doonnaa haddii aad na soo weydiiso su’aal, waxaa kale oo aan tixgelin donna taladaada iyo tusaalahaada hadduu Alle idmo.

Post a Comment

0 Comments