what are the aspects of criminal proceedings? | waa maxay dhinacyada dacwadaha ciqaabta ah?

 
Waxaahalkeedii inooga sii socda maqaalladii aan ka qori jirnay dembi baarista, maantana waxaan qaadan doonnaa inta xiriirka la leh kisaska ciqaabta ah ee laga hor oogo Maxkamadaha sharciga ah, marka aan leenahay maxkamadaha sharciga ah waxaan u la jeednaa Maxkamadaha darajada koowaad ee leysku yiraahdo Maxkamadaha Degmooyinka iyo Maxkamadaha Gobollada, Maxkamadaha derejada labaad ee loo yaqaan Maxkamadaha Rafcaannada ee Gobollada Dalka iyo Maxkamadda Sare ee Dalka ee ah derejada 3aad.

Laga billaabo maalinta uu fal dembiyeedku dhaco ilaa laga gaaro go’aan kama dambeys ah oo ay maxkamadi xukuntay waxaay u dhaxeyneysaa afar qeybood oo kala ah:-

Dhibbanaha oo ah qofka ay dhibta ka soo gaartay falkii uu sameeyey dembi falaha ama eedeysanaha/yaasha oo lagu daray Dembi baarista oo isugu jiro Boliiska iyo Xafiiska xeer-ilaalinta.

Marqaatiyaasha oo ah kuwa ka marag furayo si ka madax bannaan dhinacyada wixii dhacay ee ay goob joogga u ahaayeen.

Eedeysanaha/yaasha oo lagu daray qareennadooda, waa kuwa iska difaacayo eedeynta ay usoo jeediyeen Xafiiska xeer-ilaalinta ee iyaga lidka ku ah.

Iyo Garsoorka dhageysanaya dhinacyada ay dooddu ka dhaxeyso ugu dambeynna ka soo saaraya go’aan ama xukun maxkamadeed.

Dhammaan qeybahan aan soo sheegnay mid walba oo ka mid ah wuxuu leeyahay door u gaar ah iyo waqti u gaar ah oo uu xaddiday sharcigu, mid walba oo ka mid ahna waxaan ug hadli doonnaa maqaamkiisa.

Dhibbanaha:-

Waa qofka ay dhibaatada ka soo gaartay dhibta uu sameeyey dembi falaha, waa qofka koowaad ee ay ka billaabato dhaqaajinta ama sii wadidda dacwada ilaa looga xukumo xaqiisa dembi falaha ama looga waayo oo sidaas lagu sii daayo eedeysanaha, dhibbanahaan waxaa safkiisa ah ama la jaal ah hey’adda dembi baarista iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta.

Doorka dhibbanaha:-

Doorka dhibbanaha waa in uu dhibta soo gaartay soo gaarsiiyo hay’adda dembi baarista isla markaana uu keensado wixii caddeymo ah uu u heysto dhibta uu ka cabanaayo, intaas wixii ka dambeeyo waxaa howshooda qabsanaayo dembi baarista iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaran.

Doorka Dembi Baarista:-

Doorka dembi baarista waa in ay soo caddeeyaan jiritaanka saddex xaaladood oo kala ah:-

Dembi ma dhacay oo sharci ma loo gafay?

Qofka lagu eedeynaayo ma yahay kii galay ama sameeyey falkaas?

Caddeyn ku filan oo lagu xukumi karo ma loo hayaa?

Doorka dembi baarista waa intaas.

Doorka Xafiiska xeer-ilaalinta:-

Doorka xafiiska xeer-ilaalinta marka hore wuxuu la wadaagaa dembi baarista hubinta jiritaanka saddexdaan su’aalood, haddii ay u soo baxdo jawaab ah (HAA) wuu eedeynayaa si waafaqsan qodobka 71 XHCS, wuxuuna horgeynayaa Maxkamadda si looga jaasiyo wixii uu galay eedeysanaha, haddii ay (MAYA) usoo baxdana wuxuu kala noqonayaa eedda, waxaana laga oodayaa dacwaddii lidka ku aheyd eedeysanaha.

Maragta:-

Marqaatiyadu waa dad ka madax bannaan dhinacyada is haya ee ay dooddoodu hor taallo Maxkamadda, waa kuwo laf dhabar u ah go’aanka ay gaaraan Garsoorka dalka, waa dad goob jog u ahaa wixii dhacay kana run sheegayo garsoorka hortiisa, marqaatigu waa la dhaariyaa dhaarta la yiraahdo dhaarta hubinta run sheegidda maragga kadib waxaa su’aalo furan weydiinaya ciddii keentay maxdarka ee maragta u furayey, kadibna waxaa su’aalo xeran weydiinay dhinaca marag furkiisa lidka ku yahay, kadiba waxaa su’aalo isugu jiro kuwo xeran iyo kuwo furan intaba weydiinaya Garsoorka.

Doorka marqaatiga:-

Doorka marqaatigu waa in laga wareysto sidii ay wax u dhaceen inta ogaalkiisa ah isla markaana Maxkamadda horteeda ka sheego si run ah wixii uu og yahay, halkaas ayeyna ku soo idlaanayaa doorkiisa.

Eedeysanaha iyo difaaciisa:-

Eedeysanaha waa qofka dhibaateyey dhibbanaha, wuxuuna sharciga siinayaa xaq ah inuu helo sharci yaqaan ku difaaca maxkamadda horteeda wuxuuna qabsan karaa inta uu doono oo qareenno ah, halka dhibbanaha sharcigu u ogol yahay hal qareen oo u dooda mag dhawga xuquuqda madaniga ah ee xaqa u leeyahay in looga mag dhabo dhibbanaha, qareennada ayaa ka difaacaya eed kasta ee loo soo jeedyo eedeysanaha haddaanu qiraal aheyn.

Doorka eedeysanaha:-

Doorka eedeysanaha waa in uu ka jawaabo 3 su’aalood ee laga weydiinaayo eedda loo heysto, jawaab kasta oo uu bixiyana ay ka dhalaneyso tallaabooyin sharci ah.

Doorka difaaca eedeysanaha:-

Difaac abuukaate iyo qareen intuba waa isku macno waana qofka eedeysanaha ka difaacayo eedda lidka ku ah ee ay soo jeedisay xeer-ilaalintu, doorkiisa muhiimka ahna waa in eedeysanaha uusan weyn cid ka caawisa doodad dhanka sharciga ah, kana difaaco wax kasta oo lid ku ah haddaanu qiraal aheyn.

Garsoorka:-

Garsoorka dhageysanaya dacwadaa iyo doodad dhinacyada is haya waa hey’adda u qaabilsan dowladda u kala garsooridda dadweynaha, waana halka lagu kala xukumo doodaha iyo xuquuqaadka leysku heysto dhan kasta oo la xiriira umuuraha aadanaha, wax kasta oo go’aan ah oo ay soo saaraan laguma colaadin karo kaliya waxaa ka furan rafcaan muddo 30 maalmood ah laga billaabo maalintii lagu dhawaaqay haddii uu yahay xukunka xukun ciqaabeed.

Dorka Garsoorka:-

Doorka garsoorka waa in uu si dhex dhexaad ah u dhageysto doodad dinacyada kadibna misaamo, falaqeeyo wixii xujooyin ahaa ee la soo bandhigay kadibna soo saaro go’aan ama xukun Maxkamadeed, xukunkaas oo noqon kara in eedeysanaha dembiga lagu helo oo halkaas dembiile ku noqdo iyo in lagu waayo oo halkaas xurriyaddiisa ku helo eedeysanaha.

Gabagabo:-

Waxaan halkaas ku joojineynaa maqaalkeennii manta oo aan uga hadleynay dhinacyada dacwada si kooban oo duuduub ah waxaan ku soo sheegnay in ay ka kooban yihii  ilaa 4 laamood, aqristaha sharafta lahow wixii talo ama tusaale ah ama su’aal ah ee aad noo heyso waxaad noogu soo hagaajin kartaa Commentiga ama formka hoose, waanu kaaga soo jawaabi doonnaa haddii aad na soo weydiiso su’aal, waxaa kale oo aan tixgelin donna taladaada iyo tusaalahaada haduu Alle idmo.



Post a Comment

0 Comments