Waa maxay Saf ka aqoonsi?

 
Saf ka aqoonsi

Waxaa halkeedii inooga sii socda maqaalladii aan ka qori jirnay dembi baarista, maantana waxaan qaadan doonnaa saf ka aqoonsiga eedeysanayaasha loo heysto kisaska ciqaabta ah ee laga hor oogo Maxkamadaha sharciga ah.

Waa maxay saf ka aqoonsi?

Saf ka aqoonsigu waa nooc ka mid ah noocyada lagu helo la tuhunsanaha, waxaana loo baahdaa marka uu fal-dembiyeed dhaco oo dhibbanaha ama marqaatigu yiraahdo qofkii fal-dembiyeedka galay horay uma aqoon, laakiin haddii aan arko waa garan lahaa.

Haddaba Boliisku marka ay qabtaan qof lagu tuhunsan yahay inuu faldembiyeed galay waxaa la marayaa hab baariseed lagu xaqiijinayo jiritaanka dhacdada fal-dembiyeed iyo ciddii gashay, si loo gaaro caddaalad, xad gudub iyo jowr falna looga fogaado.

La tuhunsanaha ama la tuhunsanayaasha waxaa lagu dhex darayaa tiro dad ah oo loo xulay waxaana la marayaa hannaan kaan:-

Dadka loo xulayo saf ka aqoonsigu waxay noqonayaan dad isku muuqaal eg oo da’da, dhererka, midabka iyo lebbiskaba iska shabbaha qofka la tuhunsan yahay, waana inay ahaadaan kuwo aan lasoo qasbin oo khiyaarkooda ku ogolaaday.

Haddii uu hal qof yahay la tuhunsanuhu waxaa lagu dhex darayaa ugu yaraan 8 qof.

Haddii la tuhunsanayaashu yihiin 2 qof, waxaa lagu darayaa 12 qof.  

Haddii la tuhunsanayaashu yihiin 3 qof iyo wax ka badan midba mar ayaa safka la soo gelinayaa.

Waa in si taxaddar leh dadka loo safaa isla markaana waa in la qoraa dadka safka gelaaya magacyadooda iyo cinwaannadooda oo dhameystiran.

Waa in xulaha ama aqoonsadaha lagu yiraahdaa ma naqaan inuu la tuhunsanaha ku jiro ama la tuhunsanayaashii ku jiraan ee adiga ka soo dhex saar dadkaan dembi falaha haddii aad garaneyso.

Waa in safku ka dhacaa meel ku haboon oo iftiin wax lagu arki karo leh.

Baaruhu waa inuusan goob joog ahaanin meesha uu ka dhacayo safka.

Waa inaan la tuhunsanaha safka meesha uu doono ka gala loomana sameynaayo astaan gaar ahaaneed oo lagu aqoonsan karo dadka safan dhexdooda.

Haddii la sheego inuu la tuhunsanuhu koofiyad ama ookiyaalo watey waa in loo wadda xiraa koofiyado ama ookiyaalo isku mid ah dhamaan dadka safan.

Waa inuusan goob joog aheyn qofka wax aqoonsanaya marka safka la diyaarinayo, waa in loo yeeraa aqoonsadaha marka nidaaminta safku dhamaato kadib.

Waa inaan safka dhabarkiisa aan cidna istaagin isla markaana waa in dhamaan dadka ka soo qeyb galay oo ay ku jiraan ehellada la tuhunsanaha istaagaan safka hortiisa.

Waa in loo oggolaadaa inay goobta yimaadaan qaraabada iyo saaxiibada la tuhunsanaha, haddii loo baahdo waxaa isna kasoo qayb geli kara qareenka la tuhunsanaha.

Waa inaan qofka wax xulaya aan lagu caawin wax talo ama tilmaan ah oo ku saabsan sida uu wax u xulaayo oo iskiis u soo saaraa la tuhunsanaha ama waayaa.

Haddii aqoonsaduhu yiraahdo waxaan garanayaa qosolka, qufaca, hadalka ama socodka la tuhunsanaha iyo i.w.m, waa loo yeelayaa.

Haddii aqoonsaduhu yiraahdo waxaan garanayaa sawirka la tuhunsanaha waxaa la tusayaa sawirro badan oo la tuhunsanayaasha ku jiraan.

Haddii uu aqoonsaduhu ama xuluhu tilmaamo la tuhunsanihii waa in ugu yaraan sadex jeer lagu celiyaa xulidda mar kastana waa in dibedda loo saaraa aqoonsadaha isla markaana dib layskugu shaandheeyaa safka oo dhan.

Gabagabo:-

Waxaan halkaas ku joojineynaa maqaalkeennii manta oo aan uga hadleynay saf ka aqoonsiga aqristaha sharafta lahow wixii talo ama tusaale ah ama su’aal ah ee aad noo heyso waxaad noogu soo hagaajin kartaa Commentiga ama formka hoose, waanu kaaga soo jawaabi doonnaa haddii aad na soo weydiiso su’aal, waxaa kale oo aan tixgelin donna taladaada iyo tusaalahaada haduu Alle idmo.

Post a Comment

0 Comments