Sheeko Cajiib ah


Sheeko gaaban.

Rag iska dhici iyo Rabbi ka cabso meel ma wada galaan.

laba gabdhood oo saaxibo ah.

Caaliya iyo caasho.

Caaliya: saaxibey maanta wacdi aan soo dhageystay haddii aan ku camal falno ehlu jano ayaan noqoneynaa.

Caasho: wacdigu muxuu ku saabsanaa?

Caaliya: wuxuu ku saabsanaa in nimanka aan u dhaxno raalliyo u noqono.

Caasho: qofka wavdinayey yuu ahaa?

Caaliya: wuxuu ahaa sheekha masjidka deriskeenna ah qudbada ka aqriyo.

Caasho: waxaas ma jiraan waa nagu sasabanayaan ee is ogow.

Caaliya: saaxibey shiikha wuxuu ka aqrinayey kitaab 1000 sano ka hor la qoray.

Caasho: caasho aan ku weydiiyee kitaabkaas yaa qoray.

Caaliya: waxaa qoray shiikh kale 

Caasho: kitaabka aad sheegeyso so nin ma qorin 

Caaliya: haa

Caasho: naa hoogto waxaas ma jiraan ee ragga aan iska dhicinno ilaa aan ka arkeyno kitaab ay haween qoreen oo uga hadleen raalliyonimada iyo guurka xaasaska badan.

Post a Comment

0 Comments