how to interview a criminal suspect? | Sidee loo wareystaa eedeysane?

 

Waxaa si taxane ah halkeedii nooga sii socda arrimaha nidaamka dembi baarista, maantana waxaa halkaan kaga hadli doonnaa sida loo wareysto la tuhunsane.

Waa kumaa la tuhunsane?

La tuhunsane waa qof lagu soo eedeyey in uu geystay fal dembiyeed isla markaana ku jira gacanta hey'adaha dembi baarista kaasoo aan wali ku dhicin xukun kama dambeys ah oo ay ku xukuntay maxkamad awood u leh ka garnaqista eedda loo heysto 

Sidee loo wareystaa eedeysane?.

Waxaa muhiim ah in lasii og yahay warbixinta la tuhunsanaha oo buuxda si loo wareysto (suspect) marka laga wareysanaayo dembigii dhacay, halkaanna waxaan ka gali doonnaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka ah.

Hodhac:

1.    Xusuusi la tuhunsanaha ujeedka aad ugu timid:

Fahamsii waxyaabaha ku saabsan arrimaha laga wareysanaayo tuhmanaha si toos ah oo ay ka mid tahay dembiga dhacay, ka sii sharaxaad kooban iyo waxyaabihii kale ee muhiim loo arko.

Ilaalinta Sharciyadda:

ilaalinta sharciga iyo dhowrista xaquuqda la tuhunsanaha waa mid ka mid ah xaquuqda uu leeyahay waana in la ilaaliyaa si aan loogu xad gudbin xuquuqdiisa, sida ku cad Dastuurka ku meel gaarka ah xilligaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Diyaarinta document-ga wax lagu qoro:

Diyaarinta Warqadaha wax lagu qoro, sida foomka wareysiga, warqadda faraha lagu qaado, kaamiro sawir looga qaado eedeysanaha, tiish ama safaleeti ama shukumaan haddii uu dhididaayo eedeysanaha si aanu u dareemin caburin cabsi gelin iyo cidlo, waxay ka mid yihiin waxyaabaha laga rabo inuu soo diyaarsado baaraha ka hor wareysiga.

Goobta:

Xulo goob ka mid ah goobaha ugu habboon ee farxad ku dareemi karo eedeysanaha, sida guriga tuhmanaha haddii la wareystuhu uu yahay ilmo yar ama haween, si loo xaddido shucuurtooda si aanay ugu dawakhin arrinta laga wareysanaayo iyo si looga xiro in ay cabsi dareemaan, iyadana waxay muhiim u tahay habsami usocodka wareysiga la tuhunsanaha.

Dhaqanka:

Ilaali dhaqanka uu caadada u leeyahay eedeysanaha, tusaale haddii uu caado u leeyahay in uu 8:00AM shah ama coffe ama sigaar cabo waa in loo ogolaadaa inta ay socoto baarista, haddii uu dalbado in loo keenno wixii uu sharcigu ogol yahay sida cunno cabid iyo cibaado iwm.

Billowga wareysiga:

Billow wareysiga adigoo aad u ilalainaayo luqadda jirka (Body Language) eedeysanaha ku sheegaya ama isku dayaya inuu been sheego adiga, waxay saacideysaa ka gungaaridda sax ahaanshaha waxa uu sheegayo la tuhunsanaha.

Diyaarso karraani kuu qoro jawaabaha uu bixiyo eedeysaha:

Waxaa la weydiinayaa su’aalo xeran sida su’aalaha ay jawaabtoodu tahay HAA ama MAYA, sida falkaas adiga ayaa geystay sow ma aha? waxaa laga qorayaa su’aal kasta ee la weydiiyo wixii uu ku jawaabay waana mid ka mid ah waajibaadka saran baaraha, iyadoo aan lagu xad gudbeynin xuquuqda dadka xurriyadda laga qaaday, kadib markii ay dhamaato su’aalo weydiinta eedeysanaha waa la daabacayaa haddii markaas lagu qorayey Computer, waxaa loo ogolaanayaa in uu iska aqriyo wixii laga qoray kadibna u saxiixo, saxiix waliba suul ah.

Su'aalo Furan:

Kadib waxaa la weydiinayaa su’aalo furan sida su’aalaha looga jawaabi karo si faahfaahsan sida Mudane noo sharrax sida aad falkaas u geysatay? Kadib Billow su'aalo furan adigoo u ogolaanaya tuhunsanaha inuu faahfaahin kaa siiyo wax ku saabsan arrimaha laga wareysanaayo.

Warbixinta Wareysiga soo xir:

Waxaad soo afmeereysaa wareysigii qotada dheeraa ee aad la yeelatay eedeysanaha adigoo uga mahad celinaayo sidii quruxda badneyd ee jawaabaha u bixiyey waxaadna u sheegeysaa in ay wax walba dhamaan doonaan isla markaana uu is dajiyo haddii uu ka muuqdo wer wer, u muuji in aad saaxibkiis tahay oo kale, una fuli waxyaabaha aasaasiga ah sida in uu helo cunto ku filan haddii uu xanuusado la geeyo isbitaal dhakhtar lala kulansiiyo, haddii uu u baahdo in reerkiisa la hadlo aad siiso telefoon uu kula hadlo reerkiisa.

                               Maxaa ka reebban baaraha.

  • 1-    Top of Formin la tuhunsanaha ku wareysto goob aan ku habbooneyn in wareysi lagu qaado.
  • 2-    iin baaraha iyo eedeysanaha ay is dhinac fariistaan, waxaa habboon in ay iska soo horjeestaan.
  • 3-    In baaraha uu noqdo su’aal ka jawaabe, tusaale in eedeysanaha uu su’aalo weydiiyo baaraha isla markaana uu ka jawaabo.
  • 4-    Hanjabaad ama jirdil ama cay waa ka reebban tahay baaraha.

  • 5-    Inuu u diido waxyaabaha sharcigu u ogolaaday sida la kulanka qareenkiisa, cibaadeysiga, caafimaadka, cuntada iyo is difaacidda haddaanu qareen qabsan ama loo qaban.

Waxaa halkaas inagaga eg maqaalkeennii manta aan ku soo qaadannay sida loo wareysto eedeysane ama la tuhunsane, wixii su’aalo ah ama soo jeedin ah waxaad noogu reebi kartaa Comment-ga ama formka hoose, aqristaha sharafta lahow waxaan kaa ballan qaadayaa idimka Alle in aan kaaga soo jawaabo su’aalaha aad isoo weydiiso isla markaana aan tixgeliyo talo soo jeedintaada.



Post a Comment

0 Comments