Pillars of sin (Tiirarka dembiga)

Tiirarka Dembiga.

Wax kasta ee jira adduunkaan waxay leeyihiin tiirar ah ku dhisan yihiin ama ay ku taagan yihiin la'aantoodna aysan suurto gal ahayn in ay jiraan, haddaba dembi kasta ee dhaca waxaa loo fiiriyaa tiirar ay lagama maarmaan tahay in uu lahaado dembigaas.

Waxaan halkaan hoose ku xusi doonnaa tiirarka loo eego dembi markii uu dhaco.

Tiirarka Dembigu waxaan ku soo koobi karnaa Saddex Tiir oo aasaasi ah:-

Tiirka koowaad:-

Mid sharci ah. 

Tiirka labaad:-

Mid maaddi ah 

Tiirka saddexaad:-

Mid Macnawi ah.

Tiirka dhanka Sharciga ah.

Waa inuu jiro xeer qeexaya in fal-dembiyeedku yahay mid sharcigu dembi ka dhigay lehna qodob ka hadlay oo ciqaabtiisu ku caddahay.

Tiirka Maaddiga (Ficil).

Fal-dembiyeedka dhacay waa inuu yahay mid lataaban karo oo si ficil ah loo sameeyey khasaarana ka dhashay.

Tiirka Macnawiga ah.

Falka uu qofku sameeyey waa in uu u qasday, niyeystay sameyntiisa isla markaana ogaal ku ahaa inuu ka dhalanaayo fal-dembiyeed waxa uu sameynayo dembi falahaas.

Immisa qaab ayaa loo kala qeybiyaa sifada uu ku yimaado Faldembiyeedku?

Waxaa jir sifooyin ay yeelanayaan markii uu dhaco falku, fal-dembiyeedku inta badan ay galaan aadamuhu waxaa loo kala qeybiyaa saddexdaan qaab waxaana uga hadli doonnaa mid walba maqaamkiisa waxayna kala yihiin:- 

Kas:-Waa qof doonayey inuu fal-dembiyeed geysto isla markaana la yimid niyaddii iyo ficilkii natiijo wax yeello lehna geystay ujeedkiisana ahaa inuu sidaas sameeyo.

Tusaale “Cali” iyo “Cabdi” ayaa murmay intaas kadib “Cali” oo carooday ayaa gurigiisa aadey wuxuuna ka soo qaatay qori, rasaas ayuuna ku soo gurtay ka dibna “Cali” wuxuu u yimid “Cabdi” isla markaana xabbad ayuu ku dhuftay, falka noocaan ah waxaa loo yaqaannaa (Kas) kas dembi u galid.

Kas-dhaaf:- Waa qof doonayey inu u geysto waxyeello sahlan isla markaana ay ficilkiisii ka dhalatay natiijo ka culus ujeedkii uu lahaa.

Tusaale “Cali” ayaa “Cabdi” wuxuu ku tuuray qalin oo aan lagu aqoon inuu wax dilo, Cali ujeedkiisu wuxuu ahaa inuu xanuujiyo Cabdi, kadibna “Cabdi” ayaa dhintay markii uu qalinkii ku dhacay, falka noocaan ah waxaa loo yaqaanna (kasdhaaf)

Kama’ Waa qof isagoo aan ku talo gelin inuu geysto wax faldembiyeed ah ka dhacay ficil aan ku talo gal aheyn, isla markaana ka dhashay fal-dembiyeed.

Tusaale “Cali” ayaa gaari si caadi ah u kaxeynayey si uu u gaaro xafiiskiisa shaqada, inta uu waddada ku sii socday waxaa si kadis ah uga soo hor baxay “Cabdi” oo lugeynaya, ka dibna jiiray gaarigii Cali uu waday, falka noocaas ah waxaa la yiraahdaa kama'.

Labadaan tiir ee dambe ee ah kas-dhaafka iyo kama' kama waajibeyso qisaas balse waxaa ka waajibaayo diyo haddaanu waliyu-damka u cafin diyada.

iyadoo ay tahay sida aan soo sheegnay haddana qaabka faldembiyeedka loo geysto waa ay kala duwan tahay, sida dembi la qorsheeyey ama dembi aan la qosheyn.

maalmaha soo socda waxaan ka hadli doonnaa dembiyada noocaan hadduu Alle idmo.

Maanta maqaalkeennii halkaas ayaan ku joojineynaa, wixii talo ama tusaale ama su'aal ah ee aad qabtid waxaad nagula soo wadaagi kartaa Comment-ga ama formka hoos yaallo.




Post a Comment

0 Comments