Qiraalka الإقرار

 

Maanta waxaa halkeedii inoga sii socda maqaalladii aan ka qori jirnay arrimaha dembi baarista iyo macluumaadka la xiriira, maantana waxaan maqaalkeenna ku qaadaa dhigi doonnaa arrimaha la xiriira qiraalka.

 Qirasho:

Qirashada qof uu qirto arrin uu ku eedaynayo qof kale iyada oo ujeedadu tahay in uu arrinkan og yahay mas’uuliyaddiisa oo uu qofka kale ku raaco sheegashadiisa.

 Qirashadu waxay noqon kartaa:

 Mid cad oo oraahda si toos ah loogu caddeeyo arrin gaar ah, qofka hadalka sheegayana uu si cad u og yahay sax ahaanshaha xaqiiqada loo nisbayn karo isaga inuu run sheegayo.

Qiraalku waxaa uu noqon karaa mid dahsoon, marka loo eego xaaladda qofkaas, sida in uu sheegay oo uu ku raacay inta badan wixii lagu soo dacweeyey laakin uu diiday qeybo yar oo ka mid ah wixii lagu soo dacweeyey.

Qirashada aan tooska ahayn waxaa ay noqon kartaa amaa loo qaataa haddii uu ka aamuso su’aalaha laga weydiiyey wixii loo heystay, sida aamusnaanta lamaanaha daynta isku leh ama in wiilku yiraahdo gabadhaan waxaan ku heshiinay in aan is guursanno kadib markii la weydiiyey gabadhiina ay ka aamustay jawaabta laga sugaayey, taas oo macnaheedu yahay in ay qirsan tahay sheegashada ninka ee ah in ay heshiiyeen.

 Waxaa jira aragtiyo dhowr ah oo arrintan ku saabsan:

Qirashadu waa fal sharci ah xuquuqna ama ciqaab waajibinaya.

Qirashada waa kan ugu muhiimsan ee garsoorka ku qaata go’aannada marka laga reebo kiisaska ciqaabtoodu tahay Dilka ama Xabsi daa’inka kuwaasoo u baahan in qiraalka lagu kabo caddeyn iyo marqaati dhameystiran oo aan shaki ku jirin.

Qiraalka waxaa uu xujjo ku yahay cidda qiratay wixii la isku haystay, haddii aanu xujjo ku aheyn qirtuhu qiraal ma noqonaya waxa uu sheegay eedeysanaha, kaliya waxaa loo aqoonsanayaa is difaacid.

 Ogeysiinta qirtaha

Waxaa habboon in lagu wargeliyo waxa ka dhalanaya iyo saameyn sharci oo uu yeelan karo, qirashada waxaa loo aqoonsanayaa in si ogaal ah u sameeyey qiraalka asigoo ogsoon in uu qiran yahay uu sugayo dood isaga ka dhan ah.

 Mabda'a aasaasiga ah ee qirashada ayaa ah in aan la oggolayn in la kala qaado haddii aan laga baqeyn in ay ka dhalato dhib ka ballaaran kan markaas taagan.

Qirashada waxaa lagama maarmaan ah in ay noqoto mid macquul ah oo caqliga banii aadamka suureysan karo, haddii uu qirto in uu dilay qof kuna dhuftay Bam nugliyeer ah (Nuclear bomb) qirashadaas ma noqoneyso mid caqli gal ah mana noqoneyso mid loo diiwaan geliyo qiraal ahaan.

Noocyada qirashada:

Muujinta Qirashada:

Kani waa qirasho toos ah oo uu eedaysanuhu u qirto dembigii lagu soo eedeeyey caadi ahaan waa hadal afka ah laakiin sidoo kale waxay noqon kartaa qaab qoraal ah lana saxiixay.

Qirashada qarsoon:

Qirashada qarsoon waa iyadoo aan si cad loo qiran dambiga, qirashada aan muuqan waxa ku jira weero ama ficilo laga dheehan karo ku lug lahaanshaha dembiga.

Maxaa looga baahan yahay si loo aqbalo qirashada

Si qiraalka loo ogolaado maxkamada dhexdeeda, waa in uu ahaado mid ikhtiyaari ah, taas macneheedu waxa weeye in aan lagu helin jujuub, caga juglayn, hanjabaad, ballanqaad dabacsanaan, ama sifo kale oo khaldan. Maxkamaduhu waxay si dhow u baaraan duruufaha lagu helo qirashada si loo xaqiijiyo in ay si ikhtiyaari ah ku timid iyo in kale.

Xuquuqda qirtuhu:

Dalka Maraykanka, xuquuqda qirtuhu waa xuquuq dastuuri ah oo ay tahay in loo akhriyo tuhmanaha ka hor su'aalaha la weydiinayo, xuquuqdaas waxaa ka mid ah xaqa aamusnaanta iyo xaqa helidda looyarka, ku guuldareysiga in lagu wargeliyo tuhmanayaasha xuquuqdooda waxay keeni kartaa in laga saaro qiraal kasta oo ka dhasha maxkamadeynta ama aan loo aqoonsan in uu yahay qiraal.

Farsamooyinka Su'aalaha:

Farsamooyinka waxaa ka mid ah hab si weyn loo isticmaalo oo su'aalo weydiinta Boliiska taasoo ay ku jirto xeelado su’aal weydiin nafsi ah si loo helo qirasho dhameystiran, qareennadu waxay ku doodayaan inay tahay qirasho been abuur ah, gaar ahaan marka loo isticmaalo shaqsiyaadka nugul.

Qaabka nabadda:

Kani waa hab kale oo su'aalo lagu waydiin karo oo loo isticmaalo xukunnada qaar, iyadoo diiradda la saarayo dhisidda xiriirka tuhmanaha iyo in macluumaadka lagu helo wada hadal halkii la iska horkeeni lahaa dhibbanaha iyo tuhmanaha.

Caqabadaha qirashada beenta ah:

Qirashada beenta ah:

In lagu keeno qaabab kala duwan sida qasab, cadaadis nafsi ah, culeys maskaxeed, ama faham la'aanta xaalada waxay u horseedi kartaa shakhsiyaadka aan waxba galabsan inay qirtaan dambiyo aysan galin, taasoo noqon karta in qiraalkaas laga soo qaado waxba kama jiraan.

Dhegeysiga doodad qareennada:

Qareennada difaacaya tuhmanaha waxaa laga yaabaa in ay soo gudbiyaan dood lagu xakamaynayo qiraalka haddii ay aamminsan yihiin in lagu helay qiraalkaas si xadgudub ku ah xuquuqda eedaysanaha, maxkamaddu waxay markaas qaadan doontaa waqti ay ku go’aamiso doodad qareennada si ay u go'aamiso oggolaanshaha ama diidmada qiraalka.

Xaqiijinta:

Iyadoo qirashada oo keliya ay ku filnaan karto in lagu xukumo eedaysanaha, haddana caddaynta ayaa inta badan lagama maarmaan u ah in la xoojiyo kiiska dacwad-qaadista, xaqiijintu waxay ku iman kartaa qaab caddayn jireed, marag, ama caddaymo kale oo duruufeed oo caddeynaayo in qiraalku sax yahay.

Isticmaalka Maxkamada:

Haddii qiraalka loo arko mid la aqbali karo, waxa loo soo bandhigi karaa caddayn ahaan inta ay socoto dacwadda, Xeer-ilaaliyeyaashu waxay si caadi ah u xoojin doonaan kalsoonida qirashada iyo ku-noqoshada caddaynta kale ee kiiskooda.

Tilmaamaha Xeer-ilaalinta:

Kiisaska qiraalka lagu soo bandhigay caddayn ahaan, garsooruhu wuxuu farayaa xeer-ilaaliyo sida loo tixgeliyo, xeer-ilalaintu waxaa sida caadiga ah la farayaa inay qiimeeyaan qirashada ku timid sida ikhtiyaariga ah leyskuna halayn karo iyo waafaqsanaanta caddaynta kale ee kiiska.

Saamaynta xukunka:

Qirashadu waxay saamayn kartaa go'aamada xukunka, eedeysanayaasha muujiya inay ka shallaayaan ama qaadaan mas’uuliyadda falalkii ay qirteen waxaa laga yaabaa inay helaan xukunno aan sidaa usii adkeyn, halka eedaysanayaasha aan ka qoomameyn wixii ay sameeyeen ayna qirteen laga yaabo inay mutaystaan ​​ciqaab adag.

Racfaannada:

Haddii eedaysanuhu uu rumaysto in qiraalkooda si khaldan u sameeyeen ama lagu ogolaaday maxkamadaynta, waxay rafcaan ka qaadan karaan xukunka sababo la xiriira ku xad-gudub xuquuqdooda dastuuriga ah ama khaladaad kale oo sharci oo la xiriira qiraalka ay sameeyeen.

Gabagabo

Marka la soo koobo, qirashada kiisaska dambiyada waa cadaymo muhiim ah oo si weyn u saameyn kara natiijada maxkamadaynta, si kastaba ha ahaatee, ogolaanshahooda iyo isku halayntooda ayaa ah mid ay maxkamaddu si taxadar leh u baarto si loo xaqiijiyo cadaalada loona ilaaliyo xuquuqda eedaysanaha una helo dhibbanaha xuquuqdiisa.

Maanta waxaan halakan ku joojineynaa maqaalkeennii aan ka qornay qiraalka, aqristaha sharafta lahow wixii talo iyo tusaale ah waxaad noogu soo hagaajin kartaa formka hoose ama comment-ga annagana waan kaaga soo jawaabi doonnaa su’aalahaaga isla markaana waan tixgelin doonnaa soo jeedintaada.

 

Post a Comment

0 Comments