Goobaha ay dagaalladu ka dhacaan
waxaa laga dhaqan geliyaa oo la dhowraa heshiiska Geneva, shuruucda iyo
heshiisyada kale caalamiga ah.
Heshiisyada iyo sharciyada
dagaalku waxay dhigayaan inaan si ula kac loo duqeyn karin goobaha ay dadka rayidka
ah deggan yihiin ama ay isticmaalaan sida iskuullada, isbitaallada iyo goobaha
lagu kulmo.
Sida oo kale heshiisyadaasi waxaa
lagu mamnuucay isticmaalka hubka qaarkiis inaan dagaalka loo isticmaali karin maadaama
ay qasaaro ba'an geysan karaan, sida hubka kiimikada ah oo sida weyn wax u
gumaado iwm.
Heshiisyada caalamiga ah waxay
dhigayaan in dadka dhaawacma in la daryeelo dadkaasi oo ay ka mid yihiin
askarta dagaalka qaybta ka ahayd iyo maxabiista dagaalka lagu qabto si kastaba
ha lagu qabtee.
Sida oo kale shauruucda kale ee
goobaha dagaalka la xiriira ayaa mamnuucaya dilka qof nolosha lagu qabtay,
kufsiga, jirdilka, xasuuqa, in koox si gaar ah loo bartilmaameedsado
arrimahaasi oo dhan heshiiska Geneva wuxuu u aqoonsan yahay iney yihiin
'Gaboodfallo baniaadanimada loo geystay'.'
Haddii aan tusaale u soo qaadanno
dagaalka ka dhacay Dalka Ukraine.
Ukraine waxay sheegtay duqeynta
ay diyaaradaha dagaalka Ruushka u geysteen isbitaalka carruurta dumarkana ay ku
umulaan ee ku yaalla magaalada Mariopoli inuu dambi dagaal uu Ruushku geystay
yahay, duqeyntaasina waxaa ku dhintay seddex qof oo ay carruur ku jiraan halka
ay ku dhaawacmeen 17 qof oo isugu jiro bukaanno iyo shaqaalaha isbitaalka ka
shaqeynaayey si ay u caawiyaan dadka bukaannada ah ee lagu dabiibayey
isbitaalkaas.
Warbixinno kale oo Dowladda
Ukraine soo gudbisay ayaa sheegaya in ay ciidamada Ruushka ay si ula kac ah u
bartilmaameedsadaan dadka rayidka ee ka qaxaya dagaalka ka socda dalka Ukraine
ee raadsanayaa meel ay ka heli karaan gabbaad amni ah oo ay naftoodu ku
badbaadeyso.
Ukraine waxaa ay leedahay waxaa
jiro cadeymo muujinaya in bambaanooyinka klastarka rasaas iyo bambaanooyin ay
ku garaaceen aagagga dadka rayadka ah ay ka deggan yihiin magaalada Kharkiv.
Ruushka iyo Ukraine midkoodna ma
saxiixin heshiiska caalamiga ee lagu mamnuucayey isticmaalka hubkaasi, balse
dhacdooyinkan waxaa wali loo qaadan karaa ama loo aqoonsan karaa dambi dagaal.
Wasaaradda difaaca ee UK ayaa
sheegtay in Ruushku uu isticmaalay walxaha qarxa ee thermobaric, kaas oo
abuuraya barakac wayn iyada oo uu kaashanayo ogsijiinta.
Walxahan qarxa ee wax gumaada
isticmaalkooda lama mamnuucin laakiin si ula kac ah in loo isticmaalo dadka
rayidka ah ayaa hubaal ah inay jabin karaan shuruucda u degsan dagaalka.
Khubaro badan ayaa ku doodaya in
duullaanka Ukraine laftiisa uu yahay dembi hoos imanaya dagaal gardarro ah oo
uu ku kacayo Ruushka.
Sidee looga daba tagaa
dambiilayaal dagaal?
Waddan kasta wuxuu waajib uu ka
saaran yahay iney baaraan shaqsiyaadka looga shakiyo iney geysteen dambio
dagaal soona qabtaan si caddaaladda loo horgeeyo.
Hase yeeshee waddamada qaar ayaa
qaaday tallaabbooyin dheeraad ah si ka duwan waddama badan oo caalamka ah.
Tusaale:-
Dalka UK, saraakiil sare oo boliis
ah ayaa ku baaqay in gacan laga geysto ururinta caddaynta dembiyada suurta galka
ah ee ka dhacay Ukraine si aan loo dafirin wixii dalkaas ka dhacay.
Marxaladaha Maxkamadeynta dadka
lagu tuhunsan yahay dambiyo dagaal
Waxaa jiray maxkamado isdaba joog
ah oo hal mar ah tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo ay ku jiraan
maxkamadda dambiyada dagaalka ee la galay ka dib burburki Yugoslavia.
Waxaa sidoo kale la sameeyay
hay'ad lagu soo oogo qaar ka mid ah dadkii mas'uulka ka ahaa xasuuqii Ruwaanda,
halkaasoo kooxaha xag-jirka ah ee Hutu ay 100 maalmood gudahood qudha kaga
jareen 800,000 oo qof oo tutsi ah sannadkii 1994-kii.
Maanta, Maxkamadda Caalamiga ah
ee Dambiyada dagaalka (ICC) iyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ)
waxay leeyihiin door ilaalinaya xeerarka dagaalka.
Maxkamadda Caddaaladda Adduunka
(ICJ)
ICJ waxay xukuntaa murannada u dhexeeya waddamada, laakiin ma dacwayn karo shakhsiyaad, Ukraine ayaa halkaas ka billowday dacwad ka dhan ah Ruushka oo ku saabsan duullaanka uu ku soo qaaday.
Haddii ICJ ay xukun ka dhan ah
Ruushka, hawsha fulinta xukunkaas waxay ku dhici doontaa Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobay (UNSC).
Laakiin Ruushka oo ka mid ah
shanta xubnood ee joogtada ah ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa
diidi kara soo jeedin kasta oo lagu cunaqabatayn karo isagoo adeegsanaayo codka
diidmada qayaxan ee Vito Power.
Maxkamadda Dambiyada Dagaalka
(ICC)
24 sanno kaddibse waxaa su'aal la
galinayaa in maxkamaddu ay ku guulaysatay ujeedooyinkii loo aasaasay iyo in
kale.
Kiisaska ugu badan ee horyaal
maxkamadda waxay la xiriiraan Afrika iyo guud ahaan dunida saddexaad.
ICC ma xukumi kartaa dambiyada
Ukraine ka dhaca?
Madaxa dacwad oogaha maxkamada
ICC, oo ah garyaqaan Ingiriis u dhashay Karim Khan QC, ayaa sheegay in ay jirto
sabab macquul ah oo lagu rumeysan karo in dambiyo dagaal laga geystay Ukraine
wuxuuna fasax u heystaa 39 dowladood inay baaritaan ku sameeyaan.
Baarayaashu waxay eegi doonaan
eedeymihii hore iyo kuwa hadda jira iyagoo dib ugu laabanaya illaa 2013, ka hor
inta aan Ruushka goosan gacanka Crimea ee Ukraine.
Haddii ay jiraan cadaymo ka dhan
ah shakhsiyaadka, dacwad-oogaha ayaa weydiisan doona garsoorayaasha ICC inay
soo saaraan waaran soo qabasho ah si maxakamadda Hague loo horkeeno
shakhsiyaadka ay caddaato in ay galeen dembiyo dagaal.
Maxkamaddu ma laha Ciidan Boliis
u gaar ah, waxay ku tiirsan tahay dawladadaha caalamka iney u soo qabtaan
tuhmanayaasha ay rabaan in la soo xero, laakin Ruushku ma aha xubin ka tirsan
maxkamadda oo waxay ICC ka baxday 2016-kii. Madaxweyne Putin ma soo gacangelinayo
wax tuhmane ah.
Haddii tuhmanuhu u dhoofo waddan
kale, waa la xiri karaa laakiin taasi aad bay u adag tahay maadaamaa dalalka
laftooda colaad hor leh ay ka dhex abuuri karto dal walbana uu fiirsanaayo
maslaxaddiisa iyo danahiisa mustaqbalka.
Madaxweyne Putin ama madaxda kale
ee Ruushka ma la dacweyn karaa?
Waxaa aad uga sahlan in dembi
dagaal lagu qaado askarigii falkaasi gaystay, si ka fudud taliyihi amray inuu
dilka fuliyo.
Laakiin ICC waxay dacwad ku soo
oogi kartaa dembiyada "dagaal kasta oo gardarra ah" ee lagu qaaday
dal caalamka ka mid ah.
Tani waa dembiga duullaan ama
iska hor-imaad aan cudurdaar lahayn, oo dhaafsiisan tallaabo milateri oo
macquul ah ama is difaacid ah.
Professor Philippe Sands QC, oo
ah khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda University College
London, ayaa sheegay in ICC aysan ku dacwayn karin madaxda Ruushka dembigan
sababtoo ah waddanku ka mid ma aha waddamada xubinta ka aha ama oggolaaday
maxkamaddan, sidaas awgeed laguma dacweyn karo sababtoo ah maba aqoonsana
maxkamaddaan Ruuska.
0 Comments