Waa maxay Farqiga u dhaxeeya eedeysane iyo dambiile?

 

Maanta waxaan halkaan ku lafa guri doonnaa farqiga u dhaxeeya eedeysane iyo dambiile, waana mid ka mid ah maqaalladeennii la xiriiray arrimaha dembi barista.

Waa kumaa Eedaysane?

Eedeysane waa qof lagu eedaynayo fal-dembiyeed dhacay hase yeeshee aan weli xukun Maxkamdeed oo kama dambeys ahi ku dhicin isla markaana kiiska uu ku eedaysan yahay ay baaristiisu socoto, sidaa awgeed waxaa reebban in qof eedaysane ah loogu yeero ama lagu tilmaamo dembiile xataa haddii uu qiraal ku yahay inuu galay fal-dembiyeedka ama caddeyn buuxda loo hayo inuu galay dembiga loo haysto, ilaa maxkamadi xukun kama dambeys ah ku riddo, markaana waxaa uu noqonayaa dembiile.

Waa kumaa dembiile?

Dambiile waa qof lagu helay dembiga lagu soo oogay isla markaana maray dhamaan hab raacyada ay maraan kiisaska ciqaabta ah kuna dhacay xukun kama dambeys ah, kuna dhawaaqay garsoore awood u leh ku dhawaaqista xukunkaas kama dambeysta ah.

Waa maxay habraaca dacwadaha ciqaabta ah?

Si eedeysanaha loogu yeero dembiile waxaa lagama maarmaan ah in la helo dhowr arrimod ama dhowr tallaabo:-

In uu soo maray Maxkamadaha darajada koowaad, Maxkamadaha darajada koowaad waxaa la isku dhahaa Maxkamadaha Degmooyinka iyo Maxkamadda Gobolka, kiiska ciqaabta ah haddii uu ka billowdo Maxkamadda degmada ee lagu qanci waayo waxaa la aadayaa Maxkamadda darajada labaad ee lagu magacaabo Rafcaanka, sidoo kale Maxkamadda Gobolka go’aanada ka soo baxa haddii lagu qanci waayo waxaa la aadayaa Maxkamadda darajada labaad ee loo yaqaan Rafcaanka, Maxkamadda Rafcaanka waa darajada labaad haddii lagu qanci waayo xukunka ay ridday waxaa laga sii aadayaa Maxkamadda Sare ee Dalka, markii la soo maro habraacyadaan oo dhan laguna helo eedeysanaha dembiga loo heystay wuxuu noqonayaa dembiile.

Si eedeysanaha dembiile loogu yeero waa in uu maraa saddexdaan maxkamadood oo ay xukun kama dambeys ah ku riddaa Maxkamadda sare ama xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ay ridday ay ka soo wareegataa muddo 30 maalmood ah oo ka billaabaneyso maalinta lagu dhawaaqo xukunka si toos ah eedeysanaha wuxuu noqonayaa dembiile.

Sidoo kale xukunkii Maxkamadda darajada labaad ay ridday ay ka soo wareegataa muddo 30 maalmood ah oo ka billaabaneyso maalinta lagu dhawaaqo xukunka dacwadda, si toos ah eedeysanaha wuxuu noqonayaa dembiile., iyadoo aan la marin marxaladahaan eedeysanaha looguma yeeri karo dembiile, inta ka horreysana waxaa loogu yeerayaa eedeysane.

Maxaa laga wadaa garsoore awood u leh.

Garsoore awood u leh waxaa laga wadaa in uu ahaado garsooraha qaadaya garta ama dhageysanaya dacwadda ciqaabta ah ahaadaa:-

Garsoore magacaaban oo u idman in uu soo saaro xukun Maxkamadeed.

Garsoore u idman qaadista ama ka garnaqista culeyska ama xajmiga uu leeyahay kiiska.

Garsoore fadhiya maxkamaddii loo magacaabay, tusaale haddii garsoore loo magacaabo Garsooraha Degmada Xamarjajab awooddiisa waxay ku egtahay xudduudda degmada loo magacaabay, kama gar naqi karo kiis ka dhacay Degmada waaberi ee Gobolka Banaadir, degmooyinka dalkana waa sidaas oo kale.

Garsoore fadhiya maxkamaddii loo magacaabay, tusaale haddii garsoore loo magacaabo Garsooraha Maxkamadda Gobolka Shabeelaha Hoose awooddiisa waxay ku egtahay xudduudda Gobolkaas loo magacaabay maxkamadiisa, kama gar naqi karo kiis ka dhacay Gobolka Banaadir, gobollada dalkana waa sidaas oo kale, awoodaha maxkamadaha dalka waxaan uga hadli doonaa maqaal kale si dhameystiran.

Eedeysane waa qof lagu eedaynayo fal-dembiyeed dhacay hase yeeshee aan weli xukun Maxkamdeed oo kama dambeys ahi ku dhicin isla markaana kiiska uu ku eedaysan yahay ay baaristiisu socoto.

Dembiile waa qof lagu helay fal-dembiyeed dhacay hase yeeshee uu ku dhacay xukun Maxkamdeed oo kama dambeys ah isla markaana maray marxaladaha aan ka soo sheekeynay.

Gabagabo

Maanta waxaan halkaan ku joojineynaa maqaalkii aan ka qornay farqiga u dhaxeeya eedeysane iyo dembiile, aqristaha sharafta lahow haddii aad qabto su’aal waxaad noogu soo diri kartaa formka hoose, annagana waa kaaga soo jawaabi donna, haddii aad talo noo heysidna waan tixgelin doonnaa idim Alle.



Post a Comment

0 Comments