What is a penal code act? | waa maxay Xeerka Ciqaabta

 


What is the Penal Code?

Dembi baaris

In muddo ah waxaan ka soo shekeynay arrimaha dembi barista maantana waxaan in yar ka taataabaneynaa xeerka ciqaabta soomaaliyeed qaab hor dhac ahaan ah.

Waxaa sharaf wayn ii ah in aan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS) oo ilaa haddana lagu dhaqmo, isagoo ka mid ah xeerarka Dalka faahfaahintiisa in aan idinku soo gudbiyo Halkaan.

Waa maxay Xeerka Ciqaabta?

Xeerka Ciqaabta waa xeerka jideeya fal kasta oo Dembi noqon kara iyo waxa lagu ciqaabayo, qofka fal sharcigu dembi u aqoonsan yahay gala ama ka baaqsada sameyntiisa markii uu ku caddaado, taasoo ay waajib tahay in muwaadinka ama qof kasta oo lagu dabaqayo xeerkan uu ku baraarugsanaado, ogaado, aqoona u lahaado, isla markaana si fudud u heli karo, una fahmi karo xeerka ciqaabta si uu uga digtoonaado in uu ku dhaco fal dembiyeed qaanuunka ciqaab u dejiyay, balse waxaa nasiib daro wayn ah in muddadii xeerkan ka dhaqan galay Soomaaliya kuna dhaqmaysay in aan marnaba dadka lagu dhaqayay aan afkooda hooyo loogu soo bandhigin ee xeerkani ku qornaa afaf shisheeye oo aanay dadka intooda badani fahmayn aqoona u lahayn, xataa hawl wadeenada Cadaalada iyo sharci fulinta ee ay ahayd in ay dabaqaan intooda badan ku adkaanayso fahamkiisa iyo in ay si haboon u dabaqaan, taasoo aad ka arki karto in iyadoo xeerka ciqaabtu ka kooban yahay 565 qodob oo dembiyada ku xusana yihiin.

Daruurinimada Qaanuunka:

Qaanuunka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ay daruuriga tahay in bulshada loogu bandhigo afkooda oo ay waajib tahay in qof kastaa fahmo, si uu u garan karo, waajibkiisa iyo xaqiisa; waxaan dhihi karaa ceeb iyo weji gabax ayay ku tahay aqoon yahanka guud ahaan iyo gaar ahaan aqoon yahanka qaanuunka in muddo afartan sanno ka badan lagu dabaqayay ama lagu xukumayay bulshadeena qaanuun aysan aqoon oo aan marna si faahfaahan loogu bandhigin inkastoo, garyaqaano badan loo bandhigay oo ay dib u sixid iyo dib u eegis ku sameeyeen, haddana lama dhihi karo ceebo ama khaladaad waa ka fayaw yahay xeerkaan, waxaase u furan aqoon yahan kasta oo qaanuuneed ama qof kasta oo kale oo ay u muuqato dhaliilo ama ceebo ay tarjumaadani leedahay ama wax aan sax ahayn in uu talooyinkiisa ku biiriyo, iyadoo qoraalkani yahay daabacaadii ugu horraysay oo ay khasab tahay in marar kale dib loogu noqdo, wixii ka soo baxa iyo talo kasta oo la qaadan karona lagu biiriyo waxaan kaloo filayaa in tarjumaadani wax wayn ka tari doonto iftiiminta, fahamka iyo dabaqaada Xeerkan Ciqaabta oo si wayn u saameeya cadaalada iyo garsoor xaqsoor ku dhisan, haddiiba ay tarjumaadan ka soo baxaan wax ka hor imanay ama aan la socon karin xeerka ciqaabta ee ku qoran afka Talyaaniga loo noqonayo kan asalka ah ee laga tarjumay oo ah ka ku qoran afka Talyaaniga, iyadoo dhammaan kuwa ku qoran afafka Ingiriisiga iyo Carabiga ay tarjumaad yihiin.

Goormaa la ansixiyey Xeerka Ciqaabta?

Xeerkan cusub ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee lagu ansixiyay Xeer baarlamaan Lr.5, ee 16kii Diisember 1962, isla markaana dhaqan galay 3dii Abriil 1964, waa maxsuulkii deraasad taxadir leh, Garsoorka Maxakamadaha dastuuriga ah ee Soomaaliyeed, waxay diyaariyeen qoraal gacmeedkii ugu horeeyay ee dib u habaynta xeerka ciqaabta, sanadkii 1957, kaasoo ku salaysnaa xeerkii dhaqan galka ka ahaa koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray oo lagu sameeyay fududayn badan oo la xiriira dhaqanka Soomaalida iyo caadooyinka gudaha, isla markaana la siiyay nidaam cusub oo saamaynaysa dembiga iyo ciqaabtaba.

Laakiin curintaas lama sii dabagelin iyadoo ay ka hor yimaadeen carqalado badan oo u badan arrimo siyaasadeed.

Waxay ahayd uun wax yar ka dib madaxbaanidii Soomaaliya iyo is raacii laba qaybood Koonfurtii Talyaanigu gumaysan jiray iyo Maxmiyadii Ingiriiska ee Woqooyiga ee Dastuurka ku midoobay in isku dayadii iyo midayntii tamar lagu dhaqaajiyo hawlihii sharci dejineed, waa la dedejiyay intii u dhexaysay dhamaadkii 1961 iyo bilawgii 1962, dedejintaas oo uusan hadafkeeda keliya ahayn in si buuxda loo dhaqan geliyo mabaadii’da dastuurka, balse ay ku jirtay in la mideeyo labadii nidaam qaanuuneed ee lagaga kala dhaqmayay Woqooyiga iyo Koonfurta oo si ku meel gaara loogu daayay ku sii shaqaynta labadooda nidaam qaanuuneed sida uu jideeyay “Axdigii midawga” ee 31 jenaayo 1961, iyadoo dhaqan galkoodu ku xadidnaa dhulalka ay khuseeyeen.

Si taas salka ku haysa waxaa la ansixiyay Xeer lr. 5, 30kii Jenaayo 1962, kaas oo loogu igmaday Xukuumada xeerka ciqaabta, xeerka habka ciqaabta iyo xeerka nidaamka garsoorka; iyadoo xeerka la raacayo waxaa la saaray guddi gaara oo aqoon yahano sharci oo soo diyaariya, iyadoo ay ansixinayeen guddi xeer dejineed oo uu Gudoominayay Wasiirka Cadaalada, kana kooban xubno baarlamaan iyo khabiiro, kuna jiraan dhammaan xubnihii guddiga gaarka ahaa ee garyaaqanada, kuwaas oo go’aankooda ay dawladdu ku khasbanayd.

Guddiga garyaqaanada ah waxaa lagu sharfay in uu gudoomiyo “Renato Angeloti”, oo ahaa Barre Jaamacadeed oo khabiir ku ah qaanuunka ciqaabta, buuggaag badana ka qoray, waxayna diyaariyeen qoraal Talyaani iyo Ingiriisi ah:

Waa immisa Buug Xeerkaan?

Buuga I “Dembiyada guud ahaan”,

Buugga II “Dembiyada gaar ahaan” iyo

Buugga III “Gefafka ama Khilaafaadka gaar ahaan”.

Xeerkani wuxuu ahaa mid salka ku haya Dastuurkii waqtigaa ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo weliba Diinta Islaamka; sidaas ayuuna xeerkii cusbaa ee Ciqaabtu ku dhaqan galay; kaas oo markii ugu horaysay ku soo baxay afka Talyaaniga, balse waqtiyo danbe loo tarjumay afafka Ingiriisiga iyo Carabiga, laakiin marna layskuma hawlin in afka hooyo si wacan loogu tarjumo.

Post a Comment

0 Comments